Wararka

Duqa casimada Muqdisho oo dib ugu soo labtay dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta caasimada Muqdisho dib ugu soo laabtay ka dib safar uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.

Duqa Magalada Muqdisho ayaa bogaadiyey shaqadii la qabtay intii uu maqnaa, waxa uuna u mahad celiyey Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo ku xigeenadiisa Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Filish waxa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey ku xigeenadiisa, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Gole, Guddoomiyasha Degmooyinka, Agaasimayasha Maamulka Gobolka Banaadir, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida iyo Madax kale.Image may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 6 people, people standingImage may contain: 6 people, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close