Wararka
Duqa Caasimada Muqdisho oo kulan la qaatay Ergayga Gaarka ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish ayaa maanta kulan la qaatay Ergayga Gaarka ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa wakiilka Qaramada Midoobe u Jooga Soomaaliya James Swan kala hadlay arrimo ay ka mid yihiim xoojinta amniga caasimadda iyo taageerada Qaramida midoobay ee Xaqiijinta nanadgalyada.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale isla waxaa ay isla gaareen in laga wada shaqeeyo dardargalinta arrimaha horymarinta sida Dhismaha Wadooyknka, Kobcinta Dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo xal u helista arrimaha Barakaca Caasimadda.
Ergayga Gaarka ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa Balanqaaday in ay xoojin doonaan Wadashaqaynta Tooska ah oo ay la Leeyihiin Maamulka Gobolka sidoo kalena ay Qaramada Midoobe kaalin taageero la Garab taagnaato Gobolka Banaadir.