Wararka
Duqa caasimada Muqdisho oo kormeer ku tagay qaybo kamid ah xafiisyada gobolka Banadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa caasimada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay xafiisyada Amniga, Maaliyadda, Caafimaadka iyo Arrimaha dhulka ee Gobolka.
Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), duqa caasimada Muqdisho waxaa kormeerka ku welinyaayay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaaadir Ibraahim Cumar Mahad-Alla (Ibraahim Dheere) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Gobolka Banadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa bartiisa twitter-ka kusoo qoray” Waxaan kormeer shaqo ku sameeyey maanta xafiisyada Amniga, Maaliyadda, Caafimaadka iyo Arrimaha dhulka ee Gobolka”