Wararka

Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada oo boqday Xaruunta dhexe Ee Jaamacadda umadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa maanta booqday Jaamacadda Ummadda Soomaaliya halkaas oo uu kula kulmay howl wadeenadda Jaamacada kuliyadaheeda kale duwan.

Agaasimaha iyo mas’uuliyiinti uu lakulmay waxay ka wada hadleen sidii loo sii hormarin lahaa jaamacadda, maadama jaamacadda ay tahay laf dhabarka ummadda.

Mas’uuliyiinta Jaamacada ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo sidii jaamacadda ay u dhameystiri lahayd baahiyaha dalka ee waxbarashada si Ardayda Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasha tayaysan.

Agaasimaha ayaa ugu danbeyn u mahadceliyay maamulka jaamacadda dadaalka dheeriga ah ay geliyeen jaamacadda isagoo kula dardaarmay in ay sii jogteeyaan dadaalkooda tayeenta waxbarashada.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close