Wararka
Dr. Fuje ‘’ha noqon dilaaga dahsoon/qarsoon’’

Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) oo ah Lataliye Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada u diray fariin wacyigelineed, si gaar ah dhalinyarada Soomaaliyeed maadama ay yihiin da’da uu aad u saameeyay caabuqa COVID-19 asagoo ugu baaqay in ay ku dadaalaan dhamaan siyaabaha looga hortago caabuqa, ayna ku nagaadaan guryahooda.
Dr. Fuje ayaa halku dhig uga dhigay fariintiisa ‘’ha noqon dilaaga dahsoon/qarsoon’’, wuxuuna baaq dheer u diray bahda caafimaadka guud ahaan, gaar ahaan dhaqaatiirta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan wacyigelinta caabuqa maadaama uu ku faafay dhamaan gobollada dalka si loo xakameeyo baahiddiisa.
Xanuunkaan Coronaviruska ayaa maalin kasto isasii taaraayo isagoo hadda si ba’an ugu faafay gobolada dalka oo maanta laga soo xajiiyay kiisas hor leh oo mujinaayo xawaaraha uu ku socda COVID-19.