Wararka
Dr. Axmed Cali Daahir “waa muhiim in si wada jir ah looga shaqeeyo madax banaanida garsoorka gaar ahaan Xeer ilaaliyayaasha”
Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedka koonfur Galbeed lagu soo gaba gabeeyay Shirweynaha 2aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed kaas oo muddo seddex maalmood socday.
Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen Taliska Ciidanka Boliiska K/Galbeed, Xeer Ilaaliyeyaal ka socday Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeele iyo K/Galbeed, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyo Ku Xigeenadiisa, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee KGS, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Bahda Saxaafadda iyo marti sharaf kale ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.
Dhammaan ka soo qeyb galayaasha shirka ayaa dhadalo ka jeediyay kulanka waxaana dhamaadka kulanka laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 13-qodob.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo madax banaanida garsoorka gaar ahaan Xeer ilaaliyayaasha isagoo sheegay In maalmahaan soo badaniyaa fara gelinta lagu haayo garsoorka guud ahaan.
“waa muhiim in si wada jir ah looga shaqeeyo madax banaanida garsoorka gaar ahaan Xeer ilaaliyayaasha, maadaama ay beryahan soo badanaayeen fara gelinta lagu haayo garsoorka guud ahaan, iyadoo la arkayay boorar lagu qoray in garsoorku uu hoos yimaado Wasaarada Cadaalada taas oo ah mid khalad ah ”. ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Shirweynaha Qaran ee 2aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo socday muddo saddex maalmood ah 21 ka -23 ka Sebtembar 2019, waxay ka soo qeyb galayaashu ka soo saareen war-murtiyeedka soo socda:-
- Ka qeyb galayaasha shir-waynaha waxa ay mahad gaar ah u celiyeen dhammaan qaban qaabiyeyaasha shirka oo uu ugu horeeyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dowlad Goboleedka K/Galbeed iyo Barnaamijka Wadaaaga Cadaalada (Joint Justice Program) oo gacan ka geystay qabsoomida Shirkan.
- Waxaa la xusay in xafiiska xeer-ilaaliyuhu door muhiim ah ku leeyahay adkeynta xiriirka xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo xafiisyada kale ee heer dowlad goboleed iyadoo la wadaagayo xogta dembiyada dhaca.
- Waxaa la isla gartay in Xeer Ilaaliyuhu door muhiim ah ku leeyahay Madaxbanaanida Xeer Ilaalinta, iyadoo la xusay in haddii Xeer Ilaaliyeyaashu ku adkaadaan ku dhaqanka sharciga si looga hortago faragelinta iyo saameynta dibedda ah.
- Waxaa la isla eegay hannaanka caddaalada qeybta la xiriirta Xafiiska Xeer Ilaaaliyaha Guud ee Qaranka si weyna loo lafa guray iyadoo la garwaaqsaday in si mugle loo tixgeliyo ku dhaqankiisa.
- Waxaa la soo jeediyay in hindise sharciyeedka qabya-qoraalka ee sharciga aas aaska Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka laga bedelo qodobada qaar oo ay kamid yihiin: Qodobada 9aad, 15aad, 20aad iyo 27aad.
- Waxa la isla qaatay lana ansixiyay in la mideeyo Dokumiintiyada ay Xeer Ilaalintu ku shaqeeyso sida Xaashida eeda iyo Warqada dhaqtarka ee dhaawac muujinta.
- Waxa ay Xeer Ilaaliyeyaashu soo bandhigeen waaya-aragnimadooda ku aadan Tacadiyadda Jinsiga, waxaana leysla qaatay in dowlad goboleedyada dhamaan laga sameeyo qeyb gaar ah oo ka shaqeysa Dembiyada Tacadiga Jinsiga (SGBV Unit).
- Waxa la isla qaatay farsamooyinka lagu wareysto dhibanaha Tacadiga Jinsiga; in lagu wareysto meel gaar ah, la dejiyo dhibanaha, la dareensiiyo in dhibka lala dareemayo goob aamin ahna joogo, kalsooni lagu abuuro, aan la weydiin su’aalo taagtaagan, la geeyo goob aamin ah.
- Shirweynaha waxa uu ansixiyay Xeer hoosaadka ururka Xeer Ilaaliyeyaasha soomaaliyeed.
- Waxaa la isla dhisay lana ansixiyay guddiga fulinta ee ururka Xeer Ilaaliyeyaasha soomaaliyeed.
- Waxaa la isla qaatay in ay muqadas tahay in si wadajir ah looga qeyb qaato sugidda amniga Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.
- Shirweynuhu waxa uu ku baaqay in laga shaqeeyo lana dar dar geliyo dhismaha golaha adeega Garsoorka.
- Gunaanad, shir-weynu waxa uu hoosta ka xariiqay doorka Xeer Ilaaliyayaashu ku leeyihiin dalka, iyo in si buuxda loo aqoonsado ahmiyadda ay leedahay ilaalinta sareynta Sharciga dalka u yaala.