Wararka
Dowladda Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee horumarinta Bulshada iyo Tiknolojiyadda.
Shirweynaha Caalamiga ah ee horumarinta Bulshada iyo Tiknolojiyadda ayaa ka socda magaalada Geneva ee Dalka Swizerland, kaasi oo wadamada ka qeybgalaya ay Soomaaliya kamid tahay.
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed Cabdi Sheekh Axmed ayaa ka qeyb-galay furitaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee horumarinta Bulshada iyo Tiknolojiyada World Summit for Information Society (WSIS).
Inta uu socdo shirkaasi oo ah int au dhexeysa 8/ilaa 12 bishan April ayaa diiradda lagu saarayaa,aragtiyo iyo talooyin muhiim ah ee ku aadan kaalinta Tiknolojiyadda ee horumarinta bulshada.
Cabdi Sheekh Axmed Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa lafilayaa in kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda Hay’adaha kala duwan ee shirkaasi ka qeybgalaya,isagoo kalahadlaya xoojinta wadashaqeynta,maadamaa Soomaaliya ay kamid tahay wadamada haatan ku socda dhabaha horumarka ee dhinaca Tiknolojiyadda.