Wararka

 Dowladda Soomaaliya oo afarsano kadib dib u bilowday dhoofinta Mooska.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa afarsano kadib maanta dalka dib ugu dhoofisay laba konteen-dhar oo moos ah kuwaas oo horudhac u ah joogteenta dhoofinta mooska oo loo dhoofin doona dalalka Sacuudiga iyo Turkiga.

Wasiirka Beeraha iyo waraabka xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay munaasabada lagu dhoofinaayay mooskaasi oo lagu qabtay gudaha Dekadda Muqdisho waxaana goob joog kala ahaa wasiirk kuxigiineka Dekadaha, Guddoomiye ku-xigeenka Rugta ganacsiga, ganacsato iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Beeraha iyo waraabka Saciid Xusseen Ciid ayaa sheegay in Mooska dalka laga wada sugaayo caalamka oo rajo wanagsan laga qabo waxaa uuna sheegay in dhoofinta mooskaan oo maanta loo dhoofinaayo dalka Sacuudiga ay tahay dadaalada ay wadday dowlada taas oo lagu dhiira galinaayo beeralayda Soomaaliyeed waxaa uuna intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan sidii ay Suuq ugu heli lahayeen dalagyada dalka ka baxo.

Wasiir Ciid ayaa beeralayda Soomaaliyeed kula dar-daarmay in ay mar kale tabcaan beerihii mooska waxaa uuna u xaqiijiyay in ay suuqya badan u diyaariyeen iibka Mooska dalka.

“Waxaan rajaynaynaa in beeralayda Soomaaliyeed ay ku dhiiran doonaan in dib loo tabco beerihii mooska, suuqyadii dibada waa diyaar, rugta ganacsiga iyo dowlada waxaa ay aad ugu shaqeeyeen in suuqya fiican lahelo oo taya leh” ayuu yiri wasiirka beeraha iyo waraabka dowlada federaalka Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close