Wararka
DOWLADAHA SOOMALIYA IYO ERETERIYA OO KA HESHIIYAY SARE U QAADIDA XERIIRKA LABADA DAL.
WAR-MURTIYEEDKA LAGA SOO SAARAY KULAMADII DHEXMARAY MADAXWEYNAYAASHA SOOMALIYA IYO ERETERIYA.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo booqday dalka Ereteriya muddadii u dhexaysay 10-ka ilaa 11-ka bisha Jannaayo ee 2020, ayaa kulamo la qaatay madaxweynaha dowlada Eriteriya Isaias Afwerki.
Intii uu socday kulamada labada dhinac ayaa madaxweynayaasha waxaa ay kawada hadleen xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal.
War-murtiyeedka labada dhinac ayaa lagu sheegay in Labada Madaxweyne ay “isla qireen koboca ballaaran ee ku yimi iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinnimada iyo Iskaashiga loo dhan yahay”.
Madaxweynayaasha ayaa hoosta ka xariiqay in, ka sokoow caqabado iyo dhibaatooyin daba-dheeraaday, xaaladda gobolku ay tahay mid suurtagelinaysa in la helo iskaashi waara oo waxtar leh oo ka dhaca Geeska Afrika.
Sidaasi si lamid ah, waxa ay isku afgarteen inay labo-laabaan dadaalka lagu xoojinayo madaxbannaanida, nabadgelyada iyo ammaanka Qaran ee Soomaaliya iyo in sare loo qaado horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya.