Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Yukurayn oo kawada hadlay Sidii loo samayn lahaa xiriir cusub.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya C/naasir Siciid Muuse ayaa Dalka Yukurayn kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga ee Dalkaasi Yukurayn(Ukraine).

C/naasir Siciid, Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha ayaa laamaha ammaanka ee Dalka  Yukurayn waxaa uu kala hadlay sidii ay Labada Dal u yeelan lahaayeen xiriir cusub oo ku aaddan wada shaqaynta arrimaha nabad gelyada, baabi’inta walxaha qarxa, Miino baarista, ka hor tagga iyo la dagaallanka waxa loogu yeera Argagixisada.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa sidoo kale kulan la qaatay  Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Yukurayn kuwaas uu u badnaa Arday wax ka barata Jaamacadaha dalkaasi ku yaalla.

Ugu danbeyn C/naasir Siciid ayaa ugu warbixiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee uu kulanka la qaatay xaaladda guud ee Dalka, horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida dhaqaalaha, arrimaha Bulshada, siyaasadda iyo amniga. Wasiirka ku xigeenka ayaa kula dardaarmay jaaliyadda in ay dib dalka ugu soo celiyaan maskaxda iyo aqoonta ay ka kororsadeen dalkaasi kana qayb qaataan dib u dhiska Dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close