Wararka

Dowlada South Sudan oo sheegtay in ay dhul siin doonta Safaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Safiirka dowlada federaalka  Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfurta Sudan Danjire Xuseen Xaaji Axmed ayaa caasimadda wadankaasi ee Jubba kulan kula qaatay madaxweyne Ku xigeenka South Sudan Taban Deng oo ay arrimo dhowr ah ka wada hadleen.

Kulanka ayaa labada masuul waxaa ay diiradda ku saareen qodobbo ay ka mid yihiin in dowladda Koofurta Sudan fuliso codsigii dowladda Soomaaliyeed u-gudbisay oo ahaa in safaaradda dhul la siiyo,in culeysyo ay tabanayaan jaaliyadda gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed la xaliyo iyo guud ahaan iskaashiga labada dal in la sii xoojiyo.

Danjire Xuseen Xaaji oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxweyne Ku xigeenka Koonfurta Sudan ay isku afgarteen isla markaana uu u-balan qaaday in dowladiisu xoog saari doonto in safaaradda Soomaaliya dhul ay leedahay la siiyo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close