Wararka
Dowlada Soomaliya oo ka hadashay Mowqifkeeda ku aadan qaddiyadda kiiska badda iyo warar la xeriir inuu isbeddelay Mowqifkeeda oo ay beenisay.
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Warar Been abuur ah oo lagu sheegay inuu isbeddelay Mowqifka Dawladda ee ku aadan qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo ay tabiyeen qaar kamida war baahinada.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda dowlada Federaalka Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Wararkaasi ku tilmaamay mid gabi ahaanba been ah oo aan sal iyo raad toona laheen waxaa uuna xaqiijiyay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu wado Baaritaan ku saabsan warbaahintii sii daysay warkaas.
“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah” Ayuu yiri C/Nuur Maxamed Axmed.