Wararka
Dowlada Soomaaliya oo xeriirka u jartay Kenya.
Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xeriirka Diblumaasi u jartay dalka Kenya kadib markii ay sheegtay in ay faragalin Siyaasadeed ku waddo Qaranimada iyo badaxbanaanida dalka.
Wasirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Osman Dubbe ayaa Warfaafinta u biyaamiyay sababta xiligaan kusoo aadisay in xeriirka loo jaro Kenya.
“ Dowladda Soomaaliya iyada oo ka duuleysa madaxbannaanideeda qaranimo, xeerka iyo qaanuunka caalamiga ah, gudanaysana waajibka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta midnimada, qaranimada & xasilloonida dalka waxa ay go’aansatay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Dowladda Kenya”ayuu yiri Wasir Dubbe.
Wasirka ayaa intaas ku daray in dhamaan diblumaasiyiinta dowlada federaalka ka jooga Kenya looga bahan yahay in ay dalkaasi kasoo baxaan muddo laba maalin ah halka diblumaasiyiinta reer Kenya lagu amray in ay dalka kaga baxaan asbuuc.
Kenya iyo Soomaaliya ayaa sanadihii ugu danbeeyay soo kale dhex galay is qab-qabsi siyaasadeed.
Asbuuci tagay ayay aheed markii ay dowlada wadatashi ugu yeertay Safirkii Nairobi u jogay halka Safirkii Kenya u joogay Muqdisho isna wadatashi in uu la yeesho madaxdiisa loo diray.