Wararka
Dowlada Soomaaliya oo War saxaafadeed kasoo saartay diyaarad Laga leeyahay Kenya oo si fasax la’aan ah ugu dagtay Kismayo.

Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed kasoo saartay diyaarad laga leeyahay dalka Kenya taas oo 5-bishaan October ka dagtay garoonka diyaaradaha ee Sayid Mohamed Abdulla Hassan.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka dalka Kenya u jooga Soomaaliya Lucas Tumbo, waxaa ayna ku wareejisay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah diyaarad Kenya ay leedahay oo ku xadgudubtay hawada Soomaaliya.
Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhamaystiran:
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay maanta oo Khamiis ah Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana qaabilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, oo u dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah diyaarad Kenya ay leedahay oo ku xadgudubtay hawada Soomaaliya 5-ta bisha Oktoobar , taasi oo caga-dhigatay gegidda diyaaradaha Kismaayo iyada oo aan heysan oggolaansho rasmi ah.
Soomaaliya waxa ay si adag uga soo horjeedaa xadgudubkani, marna ma aqbali doonto in lagu xadgudbo xuduudaheeda cirka, badda iyo dhulka, waxa ayna ugu baaqaysaa Kenya in ay jawaab celin ka keento xadgudubkaasi xilli ciidamadeeda ku sugan Gobolka Jubada Hoose ay ka qeyb yihiin Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa falkani mid ka hor’imaanaya dhammaan mabaadiida deris wanaagga iyo in dalalku ka reebtoonaadaan in faragelin gudaha ay isku sameeyaan.