Wararka
Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in Seddeed xubnood oo Al-shabaab ah lagu dilay duqayn.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa Duqeyn xalay ay ka sameeyeen degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada hoose ku dilay 8 horjooge ka tirsan Al-shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay dowlada federaalka ka soo saartay duqayntaasi wax shacab ah laguma dhiibaatayn waxaa ayna sheegeen in ciidamada Xogga ee SNA iyo kuwa gaarka u tababaran ee DANAB ay sii wadi doonaan duqaymahaan qorshaysan iyagoo kaa shanaayo saaxiibadoooda Africom.
“Habeenkii ugu danbeyay ee 05 April 2020-ka, dowlada federaaka Soomaaliya oo kaashanayso Taliska ciidamada Maraykanka ee Africom waxaa ay duqeyn dhanka cirka ah oo lala bartilmaamaystay Al-shabaab ka fulisay deegaanka Mubaarak” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay dowlada federaalka.
Qoraalka oo sii socday ayaa lagu Yiri” Duqayntaani waxaa lagu dilay seddeed (8) Argagaxisada Al-shabaab”