Wararka
Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in ay waddo Qorshe shaqa abuur loogu samaynaayo dadka barakacyaasha ah.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadik Warfa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Drs. Amina Saciid , iyadoo kullanka ay goobjoog u ahaayeen agaasimaha guud ee wasaaradda iyo Agaasime waaxeedyada Arrimaha Bulshada iyo Qorsheynta.
Kullanka ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta wasaaradda iyo hay’adda, wuxuu ballanqaaday wasiir Sadik in hay’adda si dhow uga taageeri doonaan shaqo abuur loo helo dadka barakacayaasha ah iyo sidii lagu heli lahaa taageero joogto ah oo ay Dowladda ka helaan qaxootiga dibadda ka soo laabanaya iyo kuwa gudaha ku barakaca.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Drs. Amina Saciid ayaa dhankeeda waxaa ay sheegtay in iyagoo kaashanaya wasaarada shaqada iyo shaqaalaha XFS ay ka shaqeyn doonaan Horumarinta Dadka Danyarta ah.
Uga Dambeyntii waxey wasiirka shaqada iyo arimaha Bulshada XFS kaga mahad celisay soo Dhaweynta uu usameeyey, iyadoo balan qaaday in si cadaalad ah uga shaqeyn doonaan arimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha.
Dowlada Soomaaliya ayaa Dadaalo xoogan uga jirta sidii ay shaqo abuur uga sameyn laheyd dadka Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku ah Gobolka Banaadir, iyadoo dhawaan Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadik Warfa ay kala saxiixdeen heshiis la xiriira Taakuleynta Dadka Danyarta ah.