Wararka

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in ay wadaan xisaab xir ku aaddan dhowr iyo Labaatankii Sano ee ay hay’adda  ICAO Hawada Soomaaliya ka maamulaysay.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duullimaadyada Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar), ayaa Magaalada Ontario ee Dalka Kanada kaga qeyb galay shir weynaha Waddamada xubnaha ka ah hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan duullimaadyada Rayidka ah ee ICAO.

Waxaa wasiirka kulankaasi ku wehlinaayo Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, waxaa uuna wasiirku sheegay in Soomaliya loo arkaayay Waddan yar oo ay ICAO xukunto wixii saxiix ah ee looga baahda hawada Soomaaliyana hay’addaas ayaa loo mari jira balse ay hadda sidaasi aheen.

“Soomaaliya runtii waxaa naloo arkayay Waddan yar oo ay ICAO xukunto, wixii saxiix ah ee looga baahda hawada Soomaaliyana hay’addaas ayaa loo mari jira, balse hadda Dowladda ayaa ahmiyadda leh” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in Soomaaliya uu shirkani u leeyahay ahmiyad weyn, sida isku xirka, is barashada, is caawinaadda , heshiisyada, bixinta tababarrada iyo soo bandhigidda Technolojiyadda cusub ee ku aaddan duulista Rayidka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan xisaab xir ku aaddan dhowr iyo Labaatankii Sano ee ay hay’addani Hawada Soomaaliya ka maamulaysay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan 193-da Dal ee xubnaha ka ah ICAO ayaa Saddexdii Sanaba mar ka dhaca xarunta hay’adda duullimaadyada Rayidka ah ee Ontario Canada, wuxuuna noqonayaa kulankii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya ka qeyb gasho tan iyo 1991-kii.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close