Wararka
dowlada Soomaaliya oo qaar kamida maamulada dalka ku wareejisay gawaari loogu talagalay canshuur qadis.
7-gaari oo loogu talagalay howlawadeenada canshuuraha gobolka Banaadir, Dowlad goboleedyada Koofur galbeed iyo Hirshabeelle ayaa manta lagu wareejiyay masuuliyiin kasocotay seddexdaas maamul.
Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu saxiixay heshiis Wasaaradu ay ku wareejisay toddabada gaari waxaana madashaas goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow), ku-xigeenkiisa Maaliyadda iyo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo furayaasha gawaarida ku wareejiyay mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka iyo gobolka Banaadir ayaa sheegay in Dowlad goboleedyada harayna ay ku wareejin doonaan gaadiid loo qoondeeyay oo diyaarsan ujeedkuna yahay xoojinta Hay’adaha canshuuraha heer gobol.
Wasiirka Maaliyadda Maamulka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle oo ku hadlayay Afka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Maaliyadda Gaadiidkani looga talagalay canshuur qaadista.