Wararka

Dowlada Soomaaliya oo laga qaaday xannibaaddii ka saarneyd dhinaca boostada.

Dowlada Soomaaliya  ayaa dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) sidookale waxaa laga qaaday xannibaaddii ka saarneyd dhinaca boostada.

Munaasabad lagu qabtay Xarunta Dhexe ee UPU ee dalka Switzerland, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Boostada,  Eng Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, C/laahi Bile Nuur iyo masuuliyiin ka socotay Midowga Boostada Adduunka.

wasiirka Boostada Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo Agaasimaha Guud ee UPU Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen ayaa waxaa aay kala saxiixdeen heshiis u oggolaanaya dalka Soomaaliya in aay soo ceshto xubinnimo buuxda lagana qaado xayiraadda isla markaana ka faa’ideysan karto adeegyada UPU.

Heshiiskan ayaa u oggolaanaya boostada in aay dalka dibeddiisa wax u diri karto, isticmaali karto dhammaan barnaamijyada UPU sidoo kalena heli karto taageerada farsamo ee ay xaqa u leeyihiin dalalka soo koraya.

wada-xaajoodka arrintan ku saabsan ayaa soo socday muddo ku dhow hal sano.wasiirka boostada ayaa madasha ka jediyay khudbad isagoo  kulama gaarg gaar ah la yeeshay madax kala duwan waxaa ayna  soo dadajisay in lagu guuleysto soo-celinta xubinnimada.

Golaha loo dhan yahay ee midawga UPU ayaa tixgelin doono mid ka mid ah labada qorshe ee ay Soomaaliya la soo shir-tagtay oo kala ah in laga wada cafiyo deynta oo dhamaystiran ama in dulsaarka laga jaro, inta soo hartana lagu bixiyo muddo 10 sano ah oo ka billaabaneysa 2019.

Agaasimaha Guud ee UPU, Bishaar Xuseen oo si gaar ah arrintan uga soo shaqeeyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo ah xubin buuxda “Maanta laga billaabo waxa aad ku soo noqoteen Bahda UPU, waxaadna heli doontaan dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dalalka xubnaha ka ah. Waxaan alle ka baryayaa in Soomaaliya ay soo ceshato cisigii iyo sharaftii ay ku lahayd Afrika iyo adduunkaba” ayuu yiri Danjire Bishaar oo faray.

Wasiir Cabdi Cashuur Xasan ayaa u mahadceliyay madaxda sare ee UPU oo uu ugu horreeyo Agaasimaha guud oo fududeeyay wax badan oo la xiriira deynta iyo habka loo bixin doono.

Wasaaradda ayaa dhamaadkii 2017 ku guuleysatay dib u soo celinta xubinnimada Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) taas oo loo xayiray deymihii qaaraanka ee soo ururayay tan iyo 1983-kii.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close