Wararka

Dowlada Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay dhacdadii maanta ka dhacday Baydhabo.

Dowlada Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay dil ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan ruux sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha guddaha Dowlada Soomaaliya.

warkan qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa lagu sheegay in aanan marnaba la akhbali karin sii socoshada dagaal beeleedyada khatarta ku ah xasilloonida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa tacsi  loogu diray madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed, shacabka Koonfur Galbeed iyo dhamaanba ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxen shanta ruux ee maanta ku dhintay Magaalada Baydhabo.

Hoos ka akhriso Koraalka wasaaradda warfaafinta:

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close