Wararka

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay lacag uu uga deeqay Bankiga aduunka.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Duacaale Bayle ayaa sheegay in Bankiga aduunka uu ansixiyay 55 milyan oo lagu kabayo miisaanadda dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay in Bangiga Aduunka uu ansixiyay in Soomaaliya la siiyo $55 milyan oo ah Caawimaad loogu talagalay kambka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag” Ayuu yiri Wasiir Bayle.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku guuleysatay dib habeynta dhaqaalaha taasi oo ay ka dhalatay in hay’adda dhaqaalaha aduunka ay Soomaaliya ku amaaneen sida ay u maareysa nidaamka hufnaanta dhaqaalaha dalka iyo heerka ay ka gaartay arrimaha deyn cafinta.

“Lacagtaan Deeqda ah waxa aan ku mutaysanay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee aan ku talaabsanay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay.Waxaa muhiim ah in aan ku dadaalno sidii aan dakhliga dalkeena u sii kordhin laheyn anagoo kaashaneyna Shacabka iyo Ganacsatadeena, ilaa iyo inta aan isku filnaasho ka gaaridoono”. ayuu haalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close