Wararka

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay gorta ay bilaban doonta sahanka Shidalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashey qorshaha ku aadan bilaabidda howlgallada Batroolka Soomaaliya,iyadoo dowladuu ay xustay in qaab daah-furnaan ah ay ku bilaaban doonaan.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in xiriir walaalnimo iyo mid wada qabsi uu kala dhexeeyo dawladda Turkiga, welina aan la gaarin xilligii la billaabi lahaa hawgallada Batroolka Soomaaliya, iyadoo ay weli dhiman yihiin hawlo ay muhiim tahay in la dhammaystiro.

Dhawaan ayuu madaxweynaha dalka Turkiga sheegay in ay heshiis la gaareen dowlada Soomaaliya ayna isla garteen in dowlada Turkiga sahmiso shidaalka ku keedsan xeebaha dalka Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close