Wararka
Dowlada Soomaaliya oo dib u heshay codkii ay ku lahaan jirtay ururka shaqaalaha addunka oo In muddo ah xayiraad kasaarnaa.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in dib looga qaado xayiraad kasaarneyd dhinaca codaynta taas oo mudda dhan 33 sanno aysan wax cod ah ku laheen balse hadda dowlada Soomaaliya ayaa awood buuxda u leh In ay tagto goobaha wada-hadalka iyo shirarka caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka, halkaa oo ay cod ka dhiban karto.
191 xubnood oo kamida ururka shaqaalaha adduunka ayaa u codeeyay in Soomaaliya ay soo ceshato Xubbinnimadeeda xili ay ka qayb galayeen shirweynaha shaqaalaha addunka oo ka socday magaalada Geneva.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumada federaalka ayaa sheegay in arrintan ay muddo ka sheyeynaysay dowlada Soomaaliya ugu danbeyna ay ku guulaysteen waxaa uu sheegay in ay muhiimad weyn ayayna u leedahay dalka in uu helo codkii uu ku lahaa ururka shaqaalaha adduunka.
“Arrintaan muddo ayaa laga shaqeynayay, muhiimad weyn ayayna u leedahay dalka inan dib u helno codkii aan ku lahayn ururka shaqaalaha adduunka ee xayiraadda naga saarnaa tan iyo markii dowladdii dhexe ay meesha ka baxday.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Xirsi Warfaa.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, Sadiiq Warfaa ayaa dhinaca kala caddeeyay dowladda Soomaaliya sida ay uga go’antahay horumarinta shaqaalaha iyo sidii shaqooyin loogu heli lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka.