Wararka

Dowlada Singapore oo sharciya cusub kusoo rogtay muwaadininteeda.

Dadka Ku dhaqan dalka Singapore ayaa lagu soo rogay sharci cusub oo lagu ganaaxi doona dadkii jabiyaa sharciyada ay soo saarayaan masuuliyiinta caafimaadka dalkaasi si loo yareeyo faafida caabuqa COVID-19.

Tlaabadaan cusub ee ay qaaday Singapore ayaa ah in ruuxii jabiyaa sharciyada kala dheeraan shaha bulshada si looga gaashaanta faafida coronaviruska uu mutaysan doona lix bilood oo ganaax ah iyo lacag gaarayso 10,000 kun oo lacagta Singapore ah oo u dhiganta 7,000 kun oo dollarka Maraykanka ah.

“Dab ahaantii waxaan u malayniyaa in 10,000 kun ay aad u badantahay, marka aad dhahda waxaad raadinaysaa ruux aan sharuucda u hoggansamin, 10,000 kun run ahaantii aad ayay u badantahay laakiinse waa ay nacabsi galinayaan” ayay tiri Sophia Preetha oo ah ardayad kalkaalisa ah.

Dwlada Singapore ayaa horay bandaw ugu soo rogtay goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan sida baararka iyo shaleemooyinka xili caasimada dalkaasi laga helay 683 kiis oo corona ah halka laba ruuxna ayba u dhinteen.

Xanuunkaan oo saameeyay kala bar hal malyan oo ruux caalamka ku nool ayaa waxaa u dhintay in kabadan 23, 000 oo ruux.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close