Wararka
Dowlada Qatar oo ka jawaabtay eedeyn uu u soo jeediyay Madaxweyne Dini.
Qatar ayaa ka hadashay Eedeyn uu madaxweynha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu u soo jeediyay dowlad Qatar oo aheyd muqaal uu baahiyay wargayska Newyork times kaas oo ku saabsanaa in dowlada Qatar ay ku lug leeheed dilal iyo qaraxyo Qorshaysan oo ka dhacay deegaanada Puntland.
Qoraal kasoo baxay baxay xafiiska Warfaafinta ee dowladda Qatar ayaa looga hadlay warbixintii uu daabacay wargeyska the Newyork times,iyadoo dowladda Qatar arrinkaasi ay siweyn uga jawaabtay.
“Dowladda Qatar markasta waxaa ay ku dhisantahay siyaasadeeda arrimaha dibadda in la abuuro jawi degnaansho iyo barwaaqo horseedidi,mana faragelino madaxbanaanida iyo arrimaha gudaha ee dal kale,cidkasta oo sidaasi ku fekereysana nagama mid ahan dowlada haan Qatar” ayaa lagu yiri qoraalkaasi ka soo baxay dowladda Qatar.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Khalifa al Muhannadi oo ah shaqsiga wagayska waraysiga siiyay uusan matalin dowlada Qatar sidoo kale uusan xaq u laheen in uu ka hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka Qatar.
“Khalifa al Muhannadi ma ahan mana noqon doono qof lataliye ah kana tirsan dowladda Qatar,ma matalo dowladda Qatar,xaqna uma lahan in uu ka hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka Qatar,waanu baari doonaa shaaqsiyada qofkaasi,waxaana uu qaadi doonaa mas’uuliyada hadalkaasi uu yiri,waana ku celinaynaa in uusan marnaba matalin mabaadi,deena”ayaa la sii raaciyay qoraalka ka soo baxay xafiiska warfaafinta Qatar.
Dowlada Qatar ayaa sidoo kale sheegtay in dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay leeyihiin xeriir wanaagsan waxaa ayna iska dheereeyeen in ay wax faragalin ah kuyeeshaan arrimaha gudaha Soomaaliya.
“Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan,mana faragelino arrimahooda gudaha,xiriirkeeni wuxuu ku dhisan yahay isxushmeynta labada dhinaca iyo ilaalinta danaha labada dal,waxaan u rajeynaynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed horumar iyo barwaaqo,waaa sii wadi doonaa dadaalka aan ku taageerayno Soomaaliya,ilaa dalka uu gaaro xasilooni waarta.”
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay arrintani wuxuuna sheegay in safiirka Qatar ee Soomaaliya uu la wadaagay Dowladda Soomaaliya warbixinta la xiriirta Newyork Times iyo eedeymahaasi,wuxuuna wasiir cawad uu xusay in warbixintoodi ay ku adkeynayaan Qatar in aanay waxba kajirin warkaasi la baahiyay,sidoo kale Qatar ay u xaqiijisay in arrintaasi baaritaano dhab ah ay ku sameynayaan.