Wararka
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyda Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Weerarkii Maanta Ciidamo Booliis ah ay Ku Qaadeen Xaruun Tv Ku Taala Muqdisho.
Ka dib markii ciidamo hubeysan iyo ilaalada telifishanka universal uu maanta dagaal ku dhexmaray afaafka hore ee telefishinka universal ayaa waxaa arintaas ka hadla agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed.
Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa facebooka ayuu ku sheegay in ay dowladu cambaareyneyso falkii maanta ciidamo ka tirsan dowlada Faderaalka y ku weerareen xarunta telefishinka universal.
“Waxaan aad u cambaareynayaa falkii saaka lagu weeraray Xarunta Telefishinka Universal oo ahaa mid fool xun oo lid ku ah xorriyadda hadalka.
Marnaba loo dulqaadan maayo in ciidankii ay shaqadooda ahayd in ay ilaaliyaan sarreynta sharciga ay isla iyagii qaar kamid ah ku tuntaan sharciga dalka u yaalla.
Waxaa haatan kiiska gacanta ku haya Taliska Booliiska, annaga oo ku kalsoon in caddaalada la horkeeno ciidankii ka tirsanaa ilaalada canshuurta ee saaka dhibaatada geystay.
Waxaan maamulka iyo shaqaalaha telefishinka u xaqiijinayaa in ay caddaaladda wajihi doonaan kuwa ku eedeysan falkii saaka, waxaana ku bogaadinayaa adkeysiga ay muujiyeen iyo in aysan hawshii uu telefishinka u hayay bulshada ay halkeeda kasii socoto.ayuu yiri agaasimaha madaxtooyada “