Wararka
Dowlada oo lagu wado in ay guddi u saarto shaqaaqadii ka dhacday magaalada Beledweyne.
Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadashay iska hor Imaad ka dhacay shalay duleedka magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana lagu wadaa in dowlada ay magacaabi doonta Guddi baaritaan ku sameeyay shaqaaqadaas.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga C/naasir Saciid Muuse ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka xun tahay dagaalkii ka dhacay duleedka Beledweyne, ayna ka tacsiyadeyneyso dilka Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan.
“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad uga xuntahay shaqaaqadaas ka dhacay Kalabeyr ee duleedka Beledweyne, waxayna Wasaaradda Amniga magacaabeysaa guddi ka warbixiya waxa keenay shaqaaqada ka dhacday duleedka Beledweyne iyo cidii arrintaas ku lug laheyd”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Amniga.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in Guddiga marka la magacaabo in si dhaqsi ah u shaqo bilaabi doonaan, isla markaana ay tagi doonaan magaalada Beledweyne, si ay baaritaan ugu sameeyaan sababta ka dambeysay iska hor imaadkaas.
Ku-xigeenka wasiirka ayaa Sidoo kale ugu baaqay Ciidamada Amniga in aysan ka qeyb qaadan wax khal-khal gelinaya Amniga, isla markaana shacabka dhibaateynaya meel kasta oo ay joogaan.