Wararka

Dowlada oo ka soo horjeeysatay go’ana ka soo baxay Golaha Amniga ee Africa.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cismaan Nuur Dubbe oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay Golaha Amniga ee kala ahaa cambaareyntii Muddo kororsiga iyo in AMISOM la socoto dhaq dhaqaaqyada ciidamada Amniga Soomaaliya.

“Ma jiro urur cambaareyn karo dal madax banaan,waana sharci darro mana soo dhoweyneyso dowlada soomaaliya cambaareynta loo soo jeediyay golaha shacabka, Waa arrin la yaab leh qodobkaas waana sharci darro, waxa uu si cad uga horimaanayaa waajibaadka shaqo ee AMISOM ee ah qaraarka 2568 ee ka soo baxay golaha amaanka qaramada midoobay”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.

Balse wasiirka warfaafinta ayaa soo dhoweeyay in Ergeyg Midowga Afrika uu soo magacaabayo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close