Wararka
Dowlada oo gar-gaar gaarsiiyay shacabka Magaalada Buuhoodle.

Magaalada Buuhoodle caasimadda gobolka Cay waxaa maanta Garaya Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Khelluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Federaalka Somaliya Cabdulaahi Bidhaan Warsame, iyago siday qalab iyo Gargaar caafimaad oo loogu talo galay ka hortaga iyo Xakamaynta Cudurka Covid19.
Wasiirka oo markii ay gaareen magaalada warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay halkaasi usoo gaareen aytahay sidii shacabka ku nool magaalada Buuhoodle ay ugaarsiin lahaayeen agabkaan caafimaado, si bulshada ay u helaan agab ay kaga hortagaan Cudurka COVID-19.
Gar-garkaan ayaa mid la mid ah waxaa horey loo gaarsiiyay maamulada kale ee dalka balse tani ayaa noqonayso markii ugu horeysay ee dowlada si tuus ah gar-gaar u gaarsiiso gobolada cayn, Sool iyo Sanaag.