Wararka
Dowlada Oo dayactir kusamaynayso Dhismaha Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee Faransiiska.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo kusugan Magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska ayaa maanta booqday dhismaha safaarada Soomaaliyeed ee dalka Farasniiska.
Ra’iisal wasaaere Xasan Cali Khayre oo safaaradda kula kulmay ku simaha safiirka iyo diplamaasiyiin kala oo ka howlgallo Safarada ayaa ka dhageystay warbixnta guud iyo baahiyaha ay qabaan, waxuuna ballan qaaday in dowladdu ay dayactir ku sameyneyso xurunta safaaradda iyo hoyga safiirka.
Balan qaadka Ra’iisal wasaaraha ayaa kusoo aadayso iyadoo dhawaan Dowladda Soomaaliya ay dhisme safaaradeed ka iibsatay dalka Mareykanka.