Wararka

Dowlada New Zealand oo heshiis ganacsi la gaartay dowlada Shinaha.

Dowlada New Zealand ayaa ku dhawaaqday in maanta oo Isniin ah ay soo gaba gabaysay heshiis ganacsi oo xor ah oo ay la gaartay dowlada Shiinaha kaas oo wada xaajoodkiisu soo socotay muddo Sanad ah.

Sida uu warsaxaafadeed uu soo saaray uu ku sheegay wasiirka ganacsiga New Zealand,  heshiiskaan cusub ayaa sahli doona in waxyaabaha ay dowlada New Zealand u dhoofiso Shinaha in ay ku qaadato lacag yar.

Sidoo kale waxaa heshiiskaan ka hadashay ra’iisal wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern xili ay ku sugneed shirka Bariga Asia oo ay kulan kula yeelatay masuuliyiin kasocda dowlada Shiinaha waxaa ayna ka dhawajisay in heshiiskaan uu wax badan oo la xeriiro isku socodka labada dal ka badali doona.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close