Wararka
Dowlada Kenya oo sheegtay in rag ka tirsan Al-shabab ay ku dileen xuduuda kala dhaxeysa Soomaaliya.
Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in sedex oo looga shaki qabo in ay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Alshabab ay ku dileen xuduuda dalkaasi uu la wadaago Soomaliya ka dib markii ay gaari ay wateen ku qarxiyeen bamb macmal ah.
Sarkaal la hadlay wakalada wararka AP oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta ayaa sheegay in qarax lala eegtay ciidamada habeenkii Isniinta uu ku dhaawacmeen laba askari oo ku sugnaa koonfurta Kiunga oo u dhow xuduudda Soomaaliya.
Sidoo kale sarkaalkan ayaa intaa ku daray in Al-shabab ay bamka ku qariyeen meel duur ah.
Qaraxyadan ayaa la aaminsanyahay in ay ka dembeyen Alshabab oo inta badan beegsada xarumhaha dowlada e dalkaasi Kenya .
Al-Shabaab ayaa xilyadii u dembeyey waxa ay kordhiyeen weerarada ay ka geysnayaan gudaha dalka Kenya.