Wararka
Dowlada Kenya oo hambalyo u dirtay madaxweyne Ahmed Islam xili dowlada Soomaaliya ay sheegtay in aysan madaxweyne u aqoonsaneen Ahmed Madoobe.
Dowladda Kenya ayaa u hambalyeysay dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo arrintan ay si dhow u muujineyso galaangalka weyn ee ay ku leedahay arrimaha Jubbaland.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya ayaa hambalyo iyo dhiira galin loogu diray Madaxweynaha dowlada Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo markii seddexaad madaxweyne ka noqonaayo dowlad goboleedkaas.
Dowlada Kenya ayaa sidoo kale Ammaan u jeedisay Baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo diinta iyo qeybaha bulshada reer Jubbaland sida nabadda leh ah ee ay ugu qabsoontay doorashada.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha Kenya ayaa lagi sheegay in Kenya ay diyaar u tahay mar walba inay taageerto, iyadoo oo la jaanqaadeysa siyaasadeeda aas aasiga ah xoojinta deris wanaagga, isla markaana la sii wado nabadda iyo xasilooni waarta inay ka hirgasho Gobolka.
Maamulka Jubbaland ayay dowlada Kenya ugu baaqday inay si dhow ula shaqeyso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si meesha looga saaro fikradaha kala duwan, iyadoo la raacayo dastuurka federaalka iyo qaab dhismeedka sharciga, si loo galo marxalad cusub oo dib u heshiisiin ah.
War-saxaafadeedkaan ayaa kusoo aadaayo iyadoo dowlada Kenya lagu eedeeynaayo in ay fara galin ku hayso qarannimada Soomaaliya oo ay waddo colaad ka dhex hurta dadka walaalaha ah ee wada dego Deegaanada dowlad Goboleedka Jubbaland.
Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale war-saxaafadeed kasoo baxay waxaa lagu sheegay in aysan aqoon san doonin dhamaanba shaqsiyaadkii shalay lagu dhaariyay Magaalada Kismayo kuwaas oo loo daariyay in ay noqdaan madaxweynaha 4-sano ee soo socota.
Haddaba Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay dowlada Kenya: