Wararka

Dowlada Kenya oo beenisay in Dalkeda uu ka dilaacay Cudurka Ebola

Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday inuusan ka jirin dalkeeda cudurka Ebola kadib markii baaritaan lagu sameeyay haweeney lagu tuhmay cudurkan uu cadeeyay inaysan qabin cudurka Ebola.

Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Sicily Kariuki ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in haweeneyda la tuhmay aysan qabin cudurka Ebola iyo weliba cudurada kale ee dhiig baxa keena.

Haweeney 36 jir ah oo la dhigey isbitaal ku yaal magaalada Kericho ayaa lagu tuhmay inay qabto cudurka Ebolaha iyadoo ka soo laabatay safar ay ku tagtay dalka Uganda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close