Wararka
Dowlada Itoobiya oo wax laga xumado ku tilmamaatay qoraal la soo dhigay boga wasarada arimaha dibada ee dalkaasi.
War ka soo baxay Dawladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay khariirad lagu soo daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi Itoobiya taa oo muujinaysay khaladaad dhanka qarada ah.
Qoraalkan ka soo baxay dowlada Itobiya ayaa u muuqday mid ay dowladda Itoobiya ku sheegeyso inay ka xuntahay dhacdadaas, balse ma aysan bixin raalli galin rasmi ah.
Itoobiya ayaa waxay sheegtay in isla markii ay ogaatay in uu qalad jiro ay ka saartay maabkaasi bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
Maabkan ayaa muujinayey Itoobiya iyo Soomaaliya oo hal wadan ah waxana midaas ay noqotay mid aad ay ula yaabeen dadka Soomaaliyeed iyagoo ka falceliyay qariiradaas ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.
Arrintan ayaa lagu tilmaamay in ay tahay mid meel ka dhac ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, waxaana dadka ka fal celiyay ay sheegeen in Itoobiya ay dooneyso in ay samayso dhul balaarsi.
Xariirka udhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomalaiya ayaa soo wanaagsanayey tan iyo markii uu jagada raysulwasaare nimo ee Dalka Itoobiya qabatay Abiy Ahmed waxana madaxda labada dal ay yeesheen kulamo dhowr ah oo ay kaga arinsanayaan arimaha ka dhaxeya labada dal.