Wararka
Dowlada Ingiriiska oo cunoqabateen dhaqaale ku soo rogtay dhoor shaqsiyaad.

Dowlada Ingiriiska ayaa cunoqabateen dhaqaale ku soo rogtay dhoor shaqsiyaad oo kasoo kala jeeda dalalka sida; Ruushka, Sacuudi Carabiya, Myanmar, iyo north korea si loogu ciqaabo dambiilayaasha ku xadgudbay xuquuqda bini’aadanka.
Cunaqabateenta ugu horaysa ee UK ayaa waxa lala beegsandoonaa 25 muwaadin oo udhashay Ruushka, kuwaas oo la sheegay in ay ku luglahaayeen tacadi iyo dil loo geystay garyaqaan Sergei Magnitsky, iyo 20 muwaadin oo udhashay Sacuudiya kuwaas oo iyagana loo heysto dilkii loo geystay saxafi Jamal Khashoggi, sidaasi waxa yirri wasiirka arrimaha dibada ee UK.
Khashoggi , ayaa waxa uu ahaa saxafi 59 jir oo qorijiray maqaalka washington post islamarkaana lagu dilay gudaha Qunsuliyada dowlada Sacuudiga ay ku leeyihiin caasimadii hore Turkiga ee Istanbul 2 october 2018-kii, masuuliyiin turkish ah ayaa sheegay in saxafiga maydkiisa ay xubin-xubin jirjareen raga dilka ugeystay.
Wasiirka arrimaha dibada ee Ingiriiska Dominic Raab ayaa maanta bartiisa Tweeterka waxa uu ku soo qoray ” maanta waxan dhaqangelinaynaa cunaqabateen aan ku beegsandoonno dadka ku xadgudbay xuquuda aadanaha. sanadaha soo socda, dalka Britain waxa uu ahaandoonaa awood adag oo loogu talagalay wanaaga dunida”.