Wararka
Dowlada Iiran oo sheegtay weeraradii maraakibta lagu qaaday ay tahay mid sumcadooda lagu dilaayo.
Dowlada Islaamiga ah ee Iiran ayaa sheegtay in ay ayadu mas’uul katahay adkeynta amaanka wadada marta biyahay badda qaliijka waxaa ayna intaasi ku dartay in ay xukuumada Tehran aysan lug ku laheen weeraradii shalay lagu qaaday laba markab oo laga kala leeyahy dalalka Japan iyo Norway sida mas’uul karirsan wasaaradda arrimaha dibada dalka Iiran uu ka soo xigtay Raadiyaha dowladaas.
“waxaa mas’uuliyad naga saran ilaalinta marinkaan,waxaan badbaadinay shaqaalihii maraakibtii laweeraray “ ayuu yiri mas’uul u hadlay wasaradda arrimah dibada dalka Iiran oo la yirahdo Abbas Mousavi.
Mas’uulka ayaa intaas ku daray in weerarkaan uu yahay mid la rabo in lagu sumcad dilo sharafta dowlada Iiran ku leedahay adduunka oo ay ka danbeeyaan mas’uuliyiin katirsan maamulka madaxweyne Trump isagoo carabaabay in mas’uuliyiintaas uu kamid yahay xoghayaha Maraykanka Mike Pompeo.
Maalinimadii Khamista ayey dowlada Maraykanka ku eedeeysay Iiran in ay ka danbeeysay weerarkii lagu qaaday laba markab oo saliid siday kuwaas oo maraayay gacanka Cumaan.
Dhacdadaan ayaa kusoo aadeysa xili Raisal wasaaraha Japan AShinso Abi uu booqasha rasmi ah ku jooga dalka Iiran waxaana xusid mudan in maraakibta la weeraray uu kamid yahay markab laga leeyahay Japan.
Ra’isal wasaare Abi ayaa Tehran u tagay sidii uu u kala dhex-dhaxaadin lahaa xiisada ka dhextaagan bariga dhexe iyo dowlada Maraykanka balse lama oga dhaawaca uu weerarkaan u gaysan karo dadaaladaas.
Sidoo kale weerarkaan ayaa imanaayo xili bishii la soo dhaafay afar markab oo maraayay xeebaha dowlada Imaaradka la weeraray iyadoo weerarkaas lagu eedeeyay in ay ka danbeysay xukuumada Tehran balse Iiran aya eedeyntaas iska dheereysay.