Wararka

Dowlada Canada oo warsaxaafaded kasoo saartay dhimashadii Hodan  iyo weerarkii hotel Cascasey.

Ra’iisal wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed uu ku cambaareeyay weerarkii lagu qaaday  Hotel Cascasey ee Magaalada Kismaayo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa kaga tacsiyeysay dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday  Hotel Cascasey waxaa uuna si gaar ah  eheladii, qarabadii, saxiibaddii iyo dowlada Soomaaliya ugu tacsiyeey geeridii  Hodan Nalayeh, taas oo ahayd hooya Soomaali-Canadian ah sidoo kalina ahayd saxafiyad soo bandhigi jirtay quruxda dalka Soomaaliya.

“anigoo ku hadlaayo afka shacabka Canada, waxaan si tiiraanya leh ugu tacsiyeeyniyaa Qoyskii, saaxiibidii iyo qaraabadii ay ka baxday Hodan Nalayeh, oo ahayd wariye Soomaali-Canadian ah iyo sayigeedi kuwaas oo ku dhintay weerarkii Hotel Cascasey. Waxaan xanuunka la dareemeynaa dadkii ku dhaawacmay ama ku waayay kuwii ay jeclaayeen”.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalka Canada laga dareemay geerida marwo Hodan waxaa uuna Ra’iisal wasaaraha sheegay in Hodan ay ahayd shaqsi soo bandhigi jiray sheekooyinka xaqiiqada la xiriirta iyo  quruxda dalka Soomaaliya waxaa ayna horsed u noqotay warbaahino badan oo ku dayday.

ra’iisal wasaaraha dalka Canada ayaa sheegay in uu aad ugu xunyihiin weerarkaas, waxaa uuna intaas ku daray  in ay la shaqeeyn doonaan dowlada Soomaaliya iyo saaxiibada Soomaaliya ka caawiya waxa loogu yeera la dagaalanka argagixisada.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close