Wararka

Dowlad goboleedka Jubbaland oo ka warbixisay Howlgallo ka dhacay gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka warbixisay Howlgallo ay Ciidamada Jubbaland ka sameeyeen gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Afhayeenka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland, C/nuur Ibraahim Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada Amniga Jubbaland oo Howlgallo Kasameyay gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ay deegana dhowr ah kala wareegeen Al-shabaab sidoo kalena ay ka dileen rag ka tirsanaa Al-shabaab.

Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland ayaa sharaxaad ka bixiyay howlgalka oo ka kala dhacay labada gobol ee Jubbada Hoose iyo Gedo waxaa uuna sheegay in kan koowaad oo ka dhacay tuulooyin hoos yimaado Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose lagu dilay seddex nin oo katirsanaa Al-shabaab halka laba kalena lagu dhaawacay hasayeeshee ay dhaawacaasi la baxsadeen Al-shabaab.

Sidoo kale C/nuur Ibraahim Xuseen, Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada Amniga ee kusugan degmooyinka Doolow, Balad-xaawo, iyo luuq ay sameeyeen howlgal midkaasi lamid ah kaas oo ay ka sameeyeen ilaa afar Tuulo oo u dhaxayso Garbahaarey, Doolow, Balad-xaawo, iyo luuq ayna kula wareegeen deeganada Bohol-hareeri Tuur.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close