Wararka

Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo cadeeyay mowqif-kooda ku aadan go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa cadeeyay mowqif-kooda ku aadan habraaca Guud ee doorashada Dowlad Goboleedyada oo ay xalay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Dastuurka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in ay walaac ka muujiniyaan go’aankii wasaaradda arrimaha guddaha Xukuumadda Soomaaliya sidoo kale go’aankaas uu yahay mid baalmarsan nidaamka federaalka iyo dimuqraadiyada.

War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Dastuurka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sidoo kale lagu sheegay in warqada kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ay ka hor imaneysa Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo kan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo dhamaan sharuucda kale ee dalka u yaal.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close