Wararka

Dowlad Goboleedka Galmudug oo war-saxaafadeed kasoo saartay dilkii xalay ka dhacay galkacyo.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo xisadaha colaadeed ee ka aloosan Gobalka Galgaduud magaalada Dhusamareeb.

War-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu cambaareeyay dil wadareed xalay ka dhacay magaalada Galkacyo kaas oo loo gaystay sagaal ruux ooh al meel isla joogay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhabaal tacsi u diray dhamaan eheledii iyo qaraabadii dadkooda lagu laayey weerarkii Gaalkacyo waxaa uuna sheegay in uu si dhaw murugada ula qaybsanaayo.

Madaxweyne xaaf ayaa dhamamaan dadka reer galkacyo faray in ay isdajiyaan oo ay ka shaqeeyaan amniga iyo kala danbeynta Gobolka Mudug.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Axmed Ducaale Geele xaaf uu guddi baaro arrinkaan u saari doona kuwaas oo warbixin ka keeni doona sababtii ka danbeeysay in dadkaa la’iska laayo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close