Wararka
Donald Trump oo gaaray dalka Ingiriiska.
Madaxweynaha dalka Maraynkanka Donald Trump ayaa hadda gaaray garoonka diyuuradaha ee Stansted ee dalka Ingiriiska waxaana safarka madaxweynaha kuwelinaayo marwada koowaad ee dalkaasi Maraykanka Melania Trump.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Ingiriiska ku joogi doona laba maalin oo booqasha rasmi ah waxaa uuna la kulmo doonaa qoska boqortooyada iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska Theresa May oo ku jirta maalmaheedi ugu danbeeyay kadib iscasilaadi ay ku dhawaaqday Isbuucyadii tagay.
Madaxweyne Trump ayaa wadahadalo la yeelan doona ra’iisal wasaare Theresa May kadib marka ay soo idlaato casho sharafeedka loogu samayn doona aqalka boqortooyada.
Ka hor inta uu kasoo bixin Madaxweyne Trump aqalka cad ayuu sheegay in safarkiisa uu noqon doona mid xiisa gaar ah leh oo Maraykanka iyo Ingiriiskaba ay ka faa’iideysan doonaan ganacsi dhexmara mustaqbalka.
Booqashada Trump ayaa imanayso xili dalka Ingiriiska uu ku jiro xaalad kala duwanaasho siyaasadeed taas oo sababtay in ra’isal wasaare Therasa May ay ku dhawaaqdo in ay xilka iskaaka tagi doonta 7-da bishaan Jun.