Wararka

Dima “Barkintaas waa barkintii hooyadey, sidoo kale waxaa halkaas yaalla qayb kamid ah sarirteeda”

Akhriso sheekada Dima oo ah dhibana qaraxii Beirut ku waysay hooyadeed iyo walaasheed la dhalatay iyo Saamaynta uu ku yeeshay.

Tani waa qisada Dima oo hooyaded iyo walaasheed ku waysay masiibadii qaraxii ka dhacay caasimada Beirut ee dalka Lebanon.

Qaraxyo laba ah oo saamayn xoogan ku yeeshay dagaka Beirut iyo dhismooyinkii ka ag dhawaa ayaa luxay magaaladaasi asbuucyo ka hor.

Dad badan oo farxad ku jiray ayaa nolashoodu isku badashay hoy la’aan, kumanan ayaa ku dhaawacantay halka boqolaal kalena ay ku nafwaayeen qaraxaasi.

Wixii ugu horeeyay ee na qabsaday markaan jognay Guriga, Subixii waan faraxsanen. waxaa ay aheed jawi farxadeed, marxalad isku dhoolacadeyn ku jirta ilaa laga gaaraayay galabkii. waxaan dhaqsiyo maqalnay dhawaqa Ambulance iyo gawaarida dab damiska.

Waxaan u qabnay dab caadi ah oo qeybta naga danbeyso ka kacay. ma u qabin in uu dhacay Qarax. Gurigeena waxaa uu bilaabay in uu gariiro waxaana bilawnay inaan damino Korantada oo aan iskaaga baxno. Wax yar u’n kadib markuu qaraxa dhacay, Jiingadihii ayaa bilaabay in ay nagu soo dhul dhacaan.

Dima ayaa dhanka kale ka faalaysay waayahoodi maalmaha farxada ay isla soo qaateen iyada iyo walaasheed. iyadoo ilmaynayso ayayna ka rawantay.

Marka lagu jiray ciida, aad ayaan iskuugu faraxsanee, waxaan dhamaanteen isku raaci jirnay banaanka si aan iskula soo qadayno.

Maalinkii labaad ee Ciida waxaan aadnay Badda, waxay aheed maalin farxad badan.

Qamaar kaan waxaa iska leh walaasheyda iga weyn ee geeriyootay. magaceedu waa Latifa. Waxaan rajaynayaa in ay jiraan jaakatiimo ay leedahay oo ka hooseeyo dhagaxaanta.

Barkintaas waa barkintii hooyadey, sidoo kale waxaa halkaas yaalla qayb kamid ah sarirteeda.

Boombaladaani waa boombaladii walasheey Joud, waxba ugu may aysan yeeri jirin ee waa ay ku dheeli jirtay oo kaliya.waxaay jirtay 14 sano.

Aniga aad ayaan u murugaysanahay, Waxaan jeclahay in qoyskeeda isoo labta. Noolashayda la’aantoot ma qayasi karo. Waxay ii ahaayeen noolashayda. Aad ayaan ugu tiirsanaa ayaga. Maalin barkeedna la’aantoot ma joogi kari. Waxaan doorbidi lahaa inaan dhagaxaantaan kala hoos mara, Aan la dhinto.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close