Wararka
Dibadbaxyo badan oo ka dhacaya gudaha dalka ISreal.

Kumanaankun oo Israel ah ayaa waxa ay dibadbax ka sameeyeen gudaha caasimada Tel Aviv iyagoo ka dibadbaxaya waxa ay ku sheegeen dhibaato dhaqaale oo ay sababtay sida qaldan oo ay dowlada Isreal ula tacaashay dhibaatada xanuunka coronvirus.
Fagaraha Rabin waxa buuxdhaafiay banaanbaxayaal u badan dhalanyaro oo xirnaa maaskarooyiin balse aanan u hugaansamin tilaabooyinka kala fogaansha dadka. waxa ayna sheegeen mushaharbixinta dowlada in ay aad hoos ugu dhacday.
Dhacdaan ayaa waxaaa soo abaabulay ganacsatada yar yar, iyo dad iyaga iskooda u sheqeysta iyo kooxo farshaxanayahan ah.
Dad badan Isrealiyiin ah ayaa waxa ay wajahayaan dhibaaato dhanka dhaqaalaha ah waxa ayna ka gadoodeen tilaabooyinka lagu xakameeynaya xanuunka safmarka ah ee coronavirus kaasoo xaalad nololeedkooda cariiri geliyay. waxa ay sheegeen lacagaha kaalmada ah ay dowlad ku leeyihiin inaan lasiin.
Dowlada Isreal ayaa waxa ay soo rogtay xayiraado lagu xakameynayo covid-19 barttamihii bishii maarso ee lasoo dhaafay balse waxa ay qaaditanka xayiraadahaasi dhammadka bishii April. xaalada shaqo la aanta ka jirto dalkaasi ayaa 21% kor u kacday.