Wararka
Dibadb-bax gil-gilay Magaalada Baghdad iyo kudhawaad 200 oo ruux oo ku dhaawacantay.
Banaanbaxyo looga soo horjeeda wax qabad la’aan ku aadan u adeegista shacabka Ciraaq ayaa ka dhacay maaalada Baghdad iyo magaalooyin kale oo kamid ah dalka Ciraaq.
Hal ruux ayaa ku geeriyooday banaanbaxaasi waxaana ku dhaawacmay tiro gaarayso ilaa 200 oo ruux, ciidanka Booliska ayaa dibad baxyaasha u adeegsaday rasaasta aan dadka dilen iyo Gaaska dadka ka ilamaysiiya si ay u kala ceeriyaan banaanbaxayaasha.
Iskudhaca dibad baxyaasha iyo ciidanka Booliska ayaa yimid kadib markii ay dibad baxyaashu isku dayeen in ay gudbaan qadka cagaaran ee magaalada Baghdad oo ay ku yaalaan dhismayaasha muhiimka ah ee dowlada iyo Safaaradaha dowladaha shisheeye ay ku leeyihiin dalkaasi Ciraaq.