Wararka
Dibad baxyo ka soconaayo dalka Belarus.
Kumanaan dibad baxyaal ah ayaa maanta isugu yimid wadooyinka caasimada Belarus ee Minsk kuwaas oo ka caraysan doorashadii uu ku guulaystay madaxweynaha dalkaasi Alexander Lukashenko.
Banaanbaxyaasha ayaa dalbanaayo in uu xilka Iska casilo Alexander Lukashenko, waxaana ilaa hadda dibaxbayada ka socda dalkaasi ku dhintay afar ruux.
Tiro badan oo kamid ah mucaaradka dalkaasi ayaa isaga baxay wadaankaasi waxaana u danbaysay haweeneyda sida adag ula tartamaysay Olga Kovalkova waxaa ayna Belarus ka baxaday sabtidii iyadoo sheegtay in magan galyo ay u raadsanayso waddamada dariska la ah dalkaasi.