Wararka
Dhismaha saldhig Boolis oo ka bilawday Dhuusa-mareeb.

Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug waxaa manta laga bilaabay dhismaha Saldhigga Booliiska ee ay yeelanayso degmadaasi waxaana daahfuray Taliyaha Qaybta guud ee Booliiska Galmudug Sareeye guuto Bishaar
Taliye Bishaar ayaa ku yaboohay lacagtii ugu horaysay ee uu gacan kaga gaysanayo dhismaha saldhiga Dhuusamareeb oo mudda dheer aan wax dayactir ah helin, dhanka kale ciidamada Booliiska sadhigga ayaa Saaka Subaxnimadii hore Saldgigga ka bilaabay howlo Nadaafadeed oo dhinac soconaya dhismaha.
Dhinaca kale Taliyaha ayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacbiga Galmudug ugu baaqay inay ka qaybqaataan dhismaha saldhigga oo si is xiqaan ah lagu dhisayo dhamman qaybahii uu ka koobnaa Saldhigga