Wararka

Dhaqaalo Yahano Ka Tirsan Bankiga Aduunka Oo Sheegay In Dhaqaalaha Dunida Sanadkaan Uu Hoos U dhac Ku Imaan Doono.

Khubarada dhaqaalaha ee Bankiga Aduunka oo baritaan ku sameeyay dhaqaalaha Aduunka ee sanadkaan cusub 2019-ka ayaa muujiyay inay dhici karto hoos u dhac deg deg  ah oo ku yimaada dhaqaaqlaha Caalamka.

Bangiga ayaa sheegay in sanadkaan kobaca dhaqaale ee Dunida u sameeyay  2.9 boqolkiiba.

Dhibaatada dhaqaalaha ee cusub ayaa salka ku haysa xanibaadda dhaqaale ee qaar ka tirsan dowladaha awoodda leh ay ku soo rogeen Suuqyada Caalamka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Saamiyada  dhaqaale ay noqdeen kuwa kor laga la socdo isla markaana wax soo saarkii dhaqaalaha uu aad u yaraadey.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ka mid ah dowladaha ugu horreeya dhanka wax soo saarka dunida,waxayna caqabad  kala kulmayaan sanadkaan Suuqyada dalalka soo koraya.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close