Wararka

dhalinyaro tahriibeyaal ah oo dalka dib loogu soo celiyay.

Waxaa maanta Garoonka Aadan Cadde ka soo dagay dhalinyaro tahriibeyaal ah, oo ay Dawlada Federaalka Soomaaliya dalka dib ugu soo celisay kuwaasi oo muddo ku xirnaa Xabsiyada dalka Liibiya.

Dhalinyarada oo ay tiraddooda aheed lix ruux ayaa waxay isugu jireen shan wiil iyo hal gabar waxayna ka soo kala jedaan  Muqdisho, Garowe, Hargeysa iyo Mandheera.

Waxaa gacan ka gaysatay soo deenta Dhalinyarada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Ambassador Maryam yaasiin oo ah Ergeyga gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisalwasaaraha.

Markii ay soo caga dhigteen  Magaalada Muqdisho waxaa soo dhaweeyey Masuuliyiin ka socotay Xafiiska Ergeyga gaarka ah  ah ee xuquuqda Carruurta iyo tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, Madaxda Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo barakacayaasha iyo  Wakiilo matalayey hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM.

Qaar kamid ah dhalinyarada maanta dalka dib ugu soo laabtay oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin dib ugusoo laabashada dalkooda, iyagoo umahadceliyey MadaxdaQaranka  iyo  Ambassador Maryan yaasiin waxaa ayna xuseen dhibkii ay ka kulmeen Dalka Libiya.

Maxamed Amiin Cabdullaahi Cusmaan  oo ah Kusimaha Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo barakacayaasha oo kamid ahaa Masuuliyiintii Soo dhaweeyey Dhalinyarada ayaa sheegay in dhalinyarada maanta imaatay ay kamidyihiin Tahriibayaal ku xirnaa Dalka Liibiya, wuxuuna intaas kudaray inay jiraan dhalinyaro kale oo kuxiran Xabsiyada Liibiya.

Tan ayaan aheen tii ugu horeysay oo dhalinyaro tahriibayaal ah lagusoo celiyo Dalkooda hooyo, waxaana ka horeeyey dhalinyaradan kuwa  kale oo tahriibayaal ah kuwaasoo Dowlada Soomaaliya ay dadaal wayn ku bixisay sidii ay ugasoo bixin  laheyd Xabsiyada Dalka Liibiya.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close