Wararka

Dhadhaqaaq Ciidan oo laga dareemaayo Tukaraq.

Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo horleh ka bilowday jiidda degaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Shalay ayay ahayd markii uu gaaray Abaan-duulaha Ciidamada Somaliland S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulllaale deegaanka Turkaraq ee gobolka Sool, waxaana safarkiisa ku wehlinayay saraakiil kale.

Safarkooda kadib , ayaa waxa ay kormeer ku sameeyeen saldhigyada ay ciidamada Somaliland ku leeyihiin , deegaanka Tukaraq.

Sidoo kale Somaliland ayaa Tukaraq ku kordhisay tiro kamid ah gaadiidka dagaal, kuwaas oo ay saaranyahay yihiin hubka Taangiyada loo yaqaano.

Dhowr jeer oo hore tuqaraq waxaa uga dhacay dagaal ilaa iyo hada majirto xal waara oo laga gaaray dagaalkaas soo laa laabtay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close